Saturday

18-10-2025 Vol 19

SALAH OO RAACAY WADADII MESSI

GOOL24- Mo Salah Oo raacay Wadadii Messi, Sidee ? Laacibka Liverpool ayaa waxaa la rajeynayay in Xagaagan Marka qandaraaskiisa Reds uu dhamaado in uu aadi doono dhinaca dalka Sucuudiga.

Inkasta oo dhaqaalaha Sucuudiga ku bixinayo laacibinta kubadda Cagta uu kor u kacay, haddana Ciyaartoy badan oo magac leh waxay u arkaan, mid aan ku habooneen heerka ay ka joogaan Kubadda Cagta.

Soo xasuuso xagaagii ugu danbeyay ee Lionel Messi uu ka tagayay Koox PSG, Kooxda Sucuudiga ee AL-Hilal ayaa u soo bandhigtay Qiimo Lacageed Oo heer sare ah, Balse Messi Ayaa Doorbiday in uu Magaciisa Sii ilaashado.

Hadda si La mid ah Mo Salah oo Qandaraaskiisa Liverpool Dhamaad yahay ayaa looga gacan haatiyay isla horyaalka Boqortooyada, balse waxa uu muujiyay in uu wali rajo ka qabo kooxdiisa REDS, mar kale AL-Hilal ayaa ku Hungowday Dalabkii Heerkiisa aadka u sareyay ee ay u direen Salah.

Fuaduk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *